Buudistayaal sheegay inay la dagaalamayaan Islaamka

Buudistayaal sheegay inay la dagaalamayaan Islaamka

daajis.com:- Mid kamid ah hogaamiyayaasha Buudiistaha oo horey uga soo qeyb qaatay Xasuuqii Muslimiinta Myanmar (Burma) ayaa sheegay inuu ka qeyb qaadanayo la dagaalanka Muslimiinta ee wadanka Sri Lanka.

Ashin Wirathu oo kamid ah kooxda Buudiistayaasha ah ee lagu magacaabo 969 ayaa hada ku sugan dalka Sri Lanka, halkaasi oo shalay (Axad) lagu qabtay shir ay yeesheen Buudiistayaasha wadanka Sri Lanka.


Mar uu khudbad kasoo jeediyey kulankaasi ayuu sheegay Ashin Wirathu in ay u dagaalamayaan difaacida Buudiistayaasha Qaarada Aasiya oo uu sheegay inay khatar ku hayaan Muslimiinta iyo kooxaha Jihadiyiinta ah ee kusii fidaya Caalamka.

Muslimiinta ku dhaqan dalka Sri Lanka ayaa banaanbax kala hortagay hogaamiyahan oo ay ku eedeeyeen inuu horey uga soo qeyb qaatay Xasuuqa Muslimiinta Burma ee loo yaqaan Rohinga.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada