Daawo:- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo doortay gudoomiye cusub

Daawo:- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo doortay gudoomiye cusub

daajis.com:- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa doortay gudoomiye cusub, kadib xaflad lagu qabtay magaalada Cape Town.

Xafladan lagu magacaabay gudoomiyaha cusub ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika mudane Muuse Muude Afrax ayaa waxaa ka qayb galay, madxda jaaliyadda, ganacsato, culuma’udiin iyo bulshada qaybaheeda kale duwan.


Waxaana xafladda ka hadlay qaar ka mid ah maxda jaaliyadda Soomaaliyeed iyo ganacsato, kuwaasi oo sheegay inay soo dhoweynayaan gudoomiyha cusub ee jaaliyadda mudane Muuse Muude Afrax.

Gudoomiyaha guddiga Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee gobolka Western Cape Daahir Maxamed Cali (Daahir Baasto) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in gudoomiyaha cusub ay ka rajeenayaan inuu noqdo mid kazoo baxa xilka ay jaaliyadda u igmatay.

Sidoo kale Maxamuud Guutaale oo isna ka mid ahaa marti sharaftii ka qayb gashay xafladda ayaa sheegay inuu taageersan yahay gudoomiyaha cusub islamarkaana u rajeeyay inuu si cadaalad ah ugu adeego jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika.

Xadiis Xaaji Aadan oo kasocday ururka Somali Association of South Afrika oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano SASA islamarkaana ah nin u dhaq dhaqaaqa xuquuqda Soomaalida ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay in jaaliyadda soomaaliyeed ay doortaan gudoomiye cusub.

Gudoomiyaha cusub ee jaaliyadda Somali Community Board of South Afrika mudane Muuse Muuse Afrax ayaa noqonaya gudoomiyihii saddexaad, iyadoona ay xusid mudan tahay in gudoomiyihii ugu horreeyay uu ahaa Cabdi Jidow, kaasoo haatan ku sugan dalka Mareykanka, halkaasi oo uu magan geliyo qaxootinimo ka helay.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada