Beesha Gaaljecel:- oo Qaadhacdey cambaareyna u jeedisay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ka Midnoqoshada Maamulka Sh/Dhexe+Sawiro

Beesha Gaaljecel:- oo Qaadhacdey cambaareyna u jeedisay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ka Midnoqoshada Maamulka Sh/Dhexe+Sawiro

daajis.com:-Kulan ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka, waxgaradka, culumaa’udiinka, dhalinyarada iyo haweenka ka soo jeeda beesha Gaaljecel ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxay cambaareyn ugu soo jeediyeen wasiirka arrimaha gudaha ee dowlada federalka C/hi Goodax Barre iyagoo ku eedeeyay in uu kala xigsanayo beelaha gobolka uuna soo dhoweysanayo beesha uu ka soo jeedo.

Waxgaradkii ka hadlay kulankan oo uu ka mid ahaa nabadoon Aadan Yarow Xuseen isagoo sheegay in wasiirka arrimaha gudaha aysan ku habooneyn in uu kala xigsado beelaha gobolka dega isla markaana uu tixgelin ka siiyo beesha uu ka soo jeedo.

“Waxaan aad uga xunahay in wasiirka arrimaha gudaha uu ku xadgudbo qaab dhismeedka gobolka Sh/dhexe taasina ay tahay mid sababi karta in beesha Gaaljecel ay kalsoonida kala noqdaan dowlada federalka.”ayuu yiri nabadoon Aadan Yarow Xuseen.

Sidoo kale nabadoon C/qani Xaaji Muxumad Xaji  oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulankan ayaa sheegay in ay tahay mid aan ku habooneyn in nin sheeganayo wasiirnimo uu soo dhoweysto beesha uu ka soo jeedo uuna qof uu adeer u yahay iyo qof kale oo uu abti u yahay uu ku soo daro maamulka gobolka isla markaana duudsiyo xaqa ay lahayd beesha Gaaljecel.

Maryan Maxamed Kuulow oo ku hadlaysay magaca ururka haweenka beesha Gaaljecel ee gobolka Sh/dhexe ayaa kulankan eedeyn ugaga soo jeedisay wasiirka arrimaha gudaha iyadoo sheegtay in wasiirka uu min Kismaayo illaa beledweyne maamulada laga dhisayo uu ku darayo qof ay ehel yihiin taasina aysan ahayn tii uu dhaarta u soo maray ee ahayd in si cadaalada ah dalka uga shaqeyn doono.

Kulankan ay yeelatay beesha gaaljecel ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warar aan la hubin oo sheegaya in guddoomiye ku xigeenkii maamulka gobolka Sh/dhexe ee dhinaca maaliyada iyo horumarinta Cali Cisman Ibraahin  uu ka qaaday xilkii isla markaana uu u soo magacaabay nin lagu magacaabo Muxumad Sugaal Cismaan.










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada