DAAWO :- Habargidir & Majeerteen oo Ciidankii ugu badnaa Gaalkacyo geeyay, Wasiiro PLAND oo Kaare fuulay.

DAAWO :- Habargidir & Majeerteen oo Ciidankii ugu badnaa Gaalkacyo geeyay, Wasiiro PLAND oo Kaare fuulay.

daajis.com:- Ciidamo wato gawaarida dagaalka kana baxay Guriceel,Cadaado,Dhuusamareeb ,Bandiiradley ,Gelinsoor iyo Ceelgaras ayaa gaaray Koofurta Galkacyo halka dhinaca kalena ay Ciidan lixaadleh buux dhaafiyeen Waqooyiga Galkacyo kuwaas oo ka yimid Bosaaso,Qardho,Burtinle iyo Garowe.

Maleeshiyaadka Majeerteen iyo Habargidir ayaa la filayaa inay ku kala baxaan gacan ku heynta Magaaladda Galkacyo oo hore loogu wada deganaa heshiis ay kala saxiixdeen Jeneral Caydiid iyo Korneyl Abdullahi Yusuf allaha u naxariistee labadooda.

Berimageydada ku nool Koofurta iyo Waqooyiga Galkacyo ayaa bilaabay inay ka qaxaan labada dhinac,waxaana arrintaan ka dhalatay kadib markii uu fashil ku dhamaaday kulan lagu ballansanaa inay maanta {Sabti 27 Sept 2014} isku hor fariistaan ergo kala metelaya Galmudug iyo Puntland.


Beesha Habargidir ee maamulka Galmudug waxay si rasmiya u joojiyeen isu socodka gaadiidkii Dekadda Bosaso ka soo daabuli jiray alaabaha ee wadada gobolada dhexe isticmaali jiray,sidoo kalena waxay xireen Garoonka weyn ee Galkacyo.

Sida muuqata bulshada Puntland waxay wajahayaan colaad siyaasadeed taas oo aan la sii saadaalin karin waxay ku dhamaan doonto.

Waxaa jira kumanaan u dhashay qabiilada Majeerteen iyo Habargidir kuwaas oo aad uga soo horjeedo in dagaal sokeeye laga rido gobolka Mudug hasse yeeshee siyaasiyiinta labada dhinac waxaa ka muuqda qabweynin.

Hadii dagaal ka dhaco Mudug ,oo Habargidir iyo Majeerteen fooda isdaraan waxaa hubaala inuu dagaalka ku ekaan doonin gobolkaas balse aargoosiga wuxuu noqon doonaa goob kasta iyo gobolka kasta.

Arrimaha ugu calool xumada badan colaadaha nuucaana waxaa laga tilmaami karaa in qof aan dimbi gelin loo dili doono wuxuu ka dhashay qabiil hebel.

Hogaamiyeyaasha siyaasadda iyo dagaalka ee Majeerteen iyo Habargidir inta badan Caruurtooda waxay u dirteen dibadda ama ugu nool yihiin ,waxaana muhiima inay bulshada labada beelood ee ku nool gudaha Mudug ka tashadaan aayahooda.

Sidoo kale Wasiirka Amniga maamulka Puntland Xasan Aloore iyo Gudoomiyaha Gobolka mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigeey, ayaa booqday ciidanka Difaaca ka xidhay gaalkacyo, waxaana sawirada Laga qaaday Qaarkood Lasoo bandhigay iyagoo Dul saaran (KAARE AMA TAANGI).



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada