Wiil la dhashay Mo Farah oo UK laga soo masaafurinayo

Wiil la dhashay Mo Farah oo UK laga soo masaafurinayo

daajis.com:-Wiil la dhashay oradyahanka Asalkiisa uu yahay Somali balse u orda dalka Britan, ee Mo Farax, ayaa wiil la dhashay oo lagu Magacaabo Ahmed Farah oo 25-jirna ah la sheegay in laga soo masaafurinayo dalka Ingiriiska kadib, markii lagu eedeyay inuu mindi uu shaqsiyaad ku handaday Degmadda Southall ee Galbeedka London dhacda sannadkii 2010-kii.

Ahmed Farah ayaa waxa xabsi uu ku jiray mudo Afar Sano iyo Bar,waxaana uu ku xirnaa xaruun layiraahdo Dugavel Detention Centre ee kutaala magaalladda Lanarkshire,iyadoona la sugayo in dalka Somaliya loo Masaafuriyo Goor dhow sida Qareeno ay shegeen.

Mo-farah-ahmed-farahKiiskan ayaa kusoo aaday sida wargeyska Daily Mail laga soo xigtay hal toddobaad kadib, markii wiil kale oo walaalo la Mo Farah , laguna magacaabo Omar Farah oo 21—jir ah la xiray, kadib, markii lagu soo eedeeyey inuu ku hawlanaa sidii uu u jabsan lahaa guri ay lahaayeen Lammaanayaal ,sida uu qoray wargeyska Daily Maile ee dal weynaha Ingland kasoo baxa.

Mo Farax,walalkii ayaana suuragal aheen in uu noqdo muwaadin ingiriiska,sida ay saadaaliyeen qaar kamid ah wargeysyada dalkaasi, iyadoona Wakiilka Orodyahanka uu diiday inuu ka hadlo sida uu u arko faalka lagu masaafurinayo Mo Farah walaalkiisa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada