Daawo Muuqaal:- Booliis Mareeykan ah oo ka inkaarsaday Jilaayaal caan ah & Toogasho si toos ah u dhacday

Daawo Muuqaal:- Booliis Mareeykan ah oo ka inkaarsaday Jilaayaal caan ah & Toogasho si toos ah u dhacday

daajis.com:-Ciidamada Booliiska dalka Mareeykanka gaar ahaan kuwa magaalada Omaha ee gobolka Nebraska ayaa waxaa la soo gudboonaatay fadeexo ka dib markii ay si toos ah rasaas ugu toogteen mid ka mid ah raga Filimaanta sameeyo oo ku guda jiray jilista filim cusub.

Ninkaan oo ka mid ahaa kooxda Filimaanta musalsalka ah jisha ama sameeysa ee ( Reality Crew) ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Bryce Dion wuxuuna ahaa 38 jir. Booliiska Mareeykanka ayaa ninkaan si toos ah rasaas ugu dilay xili ay bursanayeen nin burcad ah oo soo dhacay maqaayada lagu magacaabo Fastfood Restaurant wuxuuna shilkaan ka dhacay goob u dhaxeeysay maqyaada la soo dhacay iyo halkii Filimka lagu duubayay.

Burcadkii maqaaxida soo dhacay oo lagu magacaabi jiray Cortez ayaa goobtii lagu toogtay balse waxaa rasaastii la is weeydaarsaday ku naf waayay Bryce Dion oo aad caan ugu ahaa Filimaanta musalsalka gudaha dalka Mareeykanka , waliba sidoo kale wuxuu ahaa injineer dhanka cododka u sameeya filimaanta Mareeykanka.

Halkaan Hoose ka Daawo



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada