Daawo Sawirada:- Nin Madaxiisu saaran yahay Dhabarkiisa oo heer ka gaaray nolosha Adduunka

Daawo Sawirada:- Nin Madaxiisu saaran yahay Dhabarkiisa oo heer ka gaaray nolosha Adduunka

daajis.com:-Claudio Vieira de Oliveira, oo ah 37 jir u dhashay dalka Brazil ayaa Ifka yimid ayadoo Qoortiisu ay soo laaban tahay Madaxiisuna saaran yahay Dhabarkiisa.

Dhakhaatiir ku sugnaa Isbitaalka uu ku dhashay Ninkaan ayaa u sheegay Hooyadiis inaysan Quudin dhalaankeeda Cusub oo ay xuseen inuusan haleynin Fursad uu ku sii noolaado. Claudio oo ka soo jeeda deegaanka Monte Santo ee ka tirsan dalka Brazil ayaa ka badbaaday Geerida deg dega ah ee ay Dhakhaatiirtu u saadaaliyeen, wuxuuna noqday shakhsi dadaal badan oo Jaamacad ku taalla dalkaasi ka bartay cilmiga Xisaabaadka, kana hadla Goobaha la isugu yimaado.

“Tan iyo markii aan yaraa waxaan jeclaa inaan mashquul ku noqdo nolosheyda iyo howsheyda, ma jecli inaan ku tiirsanaado dadka kale” ayuu yiri Claudio oo ka hadlaya halganka dheer ee uu soo galay.

“Waxaan bartay sida loo shido TV-ka iyo Raadiyaha.waxaana sidoo kale isticmaalaa Mobile-ka iyo Internetka” ayuu Claudio sii raaciyay hadalkiisa. Ninkaani wuxuu wax qoraa asigoo isticmaalaya Qalin uu ku qabtay ilkihiisa, wuxuuna Mouse-ka Computerka ku dhaq dhaqaajiyaa bishimihiisa oo uu saaro Mouse-ka deedna ku daliigo si ay u shaqo galiyaan Mouse-kaasi.

Falalka idiin Muuqanaya ee uu sameynayo Claudio waa kuwo ku cibro qaadasho mudan, waxaana laga doonayaa dadka lixaadka qaba inay ka faa’iideestaan awoodooda kuna shukriyaan khaaliqa uumay ayaga iyo ninkaan halganka badan ee u dhashay dalka Brazil. Waxaa Turjumay:




C/risaaq Cumar Axmed ( Siiriya )

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada