Wararkii ugu dambeeyay ee Suuqa Kala iibsiga iyo Weeraryahan Radamel Falcao oo ku biiray Man United.

Wararkii ugu dambeeyay ee Suuqa Kala iibsiga iyo Weeraryahan Radamel Falcao oo ku biiray Man United.

daajis.com:-Weeraryahanka kooxda As Monaco iyo Qaranka Colombia Radamel Falcao ayaa si amaah ahaan ah ugu biiray kooxda the Red Devils Manchester United . Xiddigaan oo 28 jir ah waxaa ugaarsi ba´an ku hayay oo qarka u saarnaa inay la soo wareegaan kooxaha kala ah Manchester City , FC Arsenal iyo Real Madrid.

Macalinka Man Utd Mr.Louis Van Gaal ayaa soo dhaweeyay imaanshaha weeraryahan Radamel Falcao balse kooxda Manchester United 3 kulan oo ay safteen horyaalka Ingiriiska wali ma gaarin wax guul ah. 

*** Weeraryahanka Qaranka Talyaaniga iyo kooxda Fc Torino Alessio Cerci ayaa si toos ah ugu biiray naadiga Atletico Madrid oo heeysta horyaalka dalka Spain ee La Liga. Xiddigaan oo 27 jir ah wuxuu horyaalkii la soo dhaafay ee dalka Talyaaniga kooxda Fc Torino u saxiixay 13-gool kaas oo ka mid ahaa xiddigihii Qaranka Italia u matalayay World Cup 2014 wuxuuna iminka naadiga Atletico Madrid u saxiixay qandaraas ku kacaya 3 sanadood .

*** Kooxda The Blues Fc Chelsea ayaa waxaa si toos ah u soo gaaray xiddiga Qaranka Faransiiska Loic Remy oo ka yimid ama laga soo iibsaday dhanka naadiga Queens Park Rangers ee isla horyaalka Ingiriiska . 

Sidoo kale kooxda West Ham United ayaa waxaa maanta si toos ah u soo gaaray xiddiga Qaranka Cameroon Alex Song oo 27 jir ah waxaana xiddigaan si amaah ahaan ah looga soo qaatay kooxda Fc Barcelona . 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada