Daawo Sawirada:- Ciidamada amaanka Pakistan oo dib u qabsaday Xarunta TV-ga Qaranka Dalkaasi

Daawo Sawirada:- Ciidamada amaanka Pakistan oo dib u qabsaday Xarunta TV-ga Qaranka Dalkaasi

daajis.com:- Ciidammada dowladda Pakistan ayey usuurto gashay in ay dib ula wareegaan xarunta TV-ga qaranka Dalkaasi ay qabsadeen Kooxo dibad baxayaal ah oo kasoo horjeeda Xukuumada Dalkaasi. 


Dad dibada baxayaal Careesan oo taageersan Hogaamiyaasha Mucaaradka Dalkaasi ayaa xoog ku galay xarunta TV-ga qaranka Pakistaan, waxa ayna dibad baxayaasha hawada ka saareen Tv-ga Qaranka.


Ciidamada amaanka Pakistan ayaa dib gacanta ugu dhigay xarunta TV -ga Dowlada Pakistaan, waxaana hada xaruntaasi gacanta ku haya oo ilaalo xoogan ka haya Ciidamada amaanka Dalkaasi.


Dibad baxayaal Taageersan hogaamiyaha mucaraadka Imran Khan iyo wadaad dalka aad looga yaqaan,Tahir Ul-qadri, ayaa Caasimada Dalkaasi waxa ay kawadaan dibad bax ay uga soo horjeedaan Dowlada Dalkaasi , waxa ayna ku baaqayaan inuu is casilo Ra'iisalwasaaraha dalkaas Nawaz Sharif.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada