Daawo Sawirada:- Maleeshiyo qabsatay safaaradii Maraykanka ee magaalada Tiripoli dalka Libya

Daawo Sawirada:- Maleeshiyo qabsatay safaaradii Maraykanka ee magaalada Tiripoli dalka Libya

daajis.com:-Dhismihii safaarada Maraykanka ee magaalo madaxda dalka Libya ee Tripoli ayaa waxaa qabsatay mid ka mid ah maleeshiyaadka ka dagaalamaya dalka Libya.
Hase ahaatee ma joogin shaqaalaha ka shaqeynayay safaarada waayo bil kahor ayaa laga daadgureeyay. Weerarkan manta lagu qaaday safaarada Maraykanka ayaa yimid kadib markii uu sii xoogeystay dagaalo maleeshiyaad iska soo horjeeda ku dhex maraya magaalada Tripoli iyo Benghazi oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Libya.
Inkastoo markii labaad muddo saddex sano gudahood ah la joojiyay shaqada safaarada Maraykanka ayaa hase ahaatee xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka John Kerry waxa uu sheegay in aan la xirin safaarada balse shaqaalaheeda la geeyay dalka Tunisia.
Safiirka dalka Maraykanka u fadhiya Libya ayaa sheegay in aan la bililiqeysan safaarada oo la ilaalinayay. Deborah Jones ayaa barta Twitterka ku sheegay in aysan wax dhibaato ah soo gaarin safaarada. Cajalad video ah oo laga daawaday YouTube ayaa lagu arkay rag faraxsan oo dusha sare ee dhismaha safaarada ka soo muuqda. Halka qaar kalana ay ku dabaalanayeen berkadaha lagu dabaasho oo ku dhex taal safaarada.
Maleeshiyaad ka mid ah kooxda la magac baxday Fajr Libya ayaa haatan haysata xarunta safaarada Maraykanka waxayna kooxdu sheegtay in ay badbaadinayso xaruntan oo ku taal dhinaca Koofureed ee magaalada Tripoli in la bililiqeysto.
February 2011 ayay safaarada Maraykanka ee dalka Libya joojisay howlaheedii kadib markii uu halkaas ka bilowday kacdoon taasoo ugu dambayntii sababtay in la afgambiyo hogaamiyihii mudada dheer soo maamulayay dalka Libya.Balse safaarada ayaa dib loo furay July 2011.
Madaxweynaha dalka Maraykanka Obama ayaa aad uga taxadarayay shaqaalaha Maraykanka ee ku sugan dalka Libya kadib markii September 11 2012 lagu diley magaalada Benghazi Chris Stevens oo ahaa qunsul iyo saddex ruux oo u dhashay dalka Maraykanka.



Magaalada Tripoli ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dagaalo u dhexeeya maleeshiyaad iska soo horjeeda waxayna dagaaladaas ku dhintey kuna dhaawacmay dad badan oo ay ku jiraan dad rayid ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada