Daawo Sawirada:- Nin Tuug ah oo ku dul hurday Sariir taalay guri uu Xatooyo ka geesanayay

Daawo Sawirada:- Nin Tuug ah oo ku dul hurday Sariir taalay guri uu Xatooyo ka geesanayay

daajis.com:-Nin Burcad ah oo u dhashay Dalka Mareykanka ayaa ku fashilmay fal xatooyo ah uu geesanayay kadib markii uu ku dul hurday saacado badan sariir taalay guriga uu dhaca ka geesanayay.


Dion Davis oo ah Nin Burcad ah ayaa la xiray kadib markii Ciidamada booliiska ugu soo galeen guri uu xatooyo ka geesanayay sariir taala isaga oo dul hurda , waxa uuna tuugan bac kasoo buuxsaday dahab iyo alaabo kale uu gurigaasi ka xaday.

Ninkan Burcadka ah ayaa la sheegay markii uu soo aruursaday dahab iyo alaabo kale uu doonayay in uu xado in dul hurday Sariir gurigaasi taalay , waxaana isaga oo hurdaya qolka ugu soo gashay haweeneydii gurigaasi laheed oo si feejignaan leh sawir uga qaaday ninka tuuga ah isaga oon fahmin isna sii hurdaya.

Haweeneydan oo qof caqli badan aheed ayaan ka nixin ninka tuuga ah waxa ayna sawirka ay ka qaaday soo dhigtay baraha ay Bulshadu kuwada xariiraan ,iyadoo dhacdada qabsatay cinwaan uga dhigtay ‘Bal ka waran adoo shaqo ku jira haddaad seexato.” .


Ciidamada booliiska ayaa ninkan isaga oo hurda ayna agtaalo bac ay ka buuxaan dahab iyo alabao kale uu doonayay in uu xado ugu soo galay qolkii uu jiifay kadibna xiray , waxaana ninkan tuuga ah lagu helay dambi ah in uu galay guri aanu lahayn,xatooyana geestay , waxaana sii dayntiisa lagu xiray $10,000 doollar oo dammaanad ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada