Ciidamada oo adkeeyay Amaanka degmada Maxaas

Ciidamada oo adkeeyay Amaanka degmada Maxaas

daajis.com:-Maamulka degmada Maxaas ayaa ka warbixiyay ammaanka iyo horumarka degmadadaasi oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo la hadkay Radio Muqdisho ayaa sheegay in amaanka degmadaasi uu wanaagsanyahay, islamarkaana ay ka howlgalaan ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM oo adkeeyay amaanka degmadaasi.

“Degmada Maxaaas wax dhibaataa kama jiraan oo habeen iyo maalin waan soconaa, amaanka magaalada iyo deegaanada ku dhow dhow wuu hagaagsanyahay oo kormeer ayaanu ku tagnaa” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Maxaas.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in degmada Maxaas laga dareemay horumarro kala duwan,  wixii ka dambeeyay markii ay ciidamada dowladdu ka xoreeyeen malleeshiyaadka Alshabaab.

Muumin Maxamed Xalane ayaa tilmamay in degmada ay ka jirtaan baahiyo kala duwan oo ku saabsan adeegyada bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada