Daawo Sawirada:- Shirkii Afrika ee Argagixisada oo lasoo gabagabeeyay iyo kulan dhex maray Madaxda Somalia iyo Kenya

Daawo Sawirada:- Shirkii Afrika ee Argagixisada oo lasoo gabagabeeyay iyo kulan dhex maray Madaxda Somalia iyo Kenya

daajis.com:-Waxaa magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay shirkii looga hadlayay argagixisada qaarada afrika iyo qalalaasaha ka dhanka ah figradaha mayal adag waxaana shir gudoominyay Madaxweynaha dalka Chad Idriss Déby oo ah gudoomiyaha golaha nabadda iyo ammaanka ee midowga afrika.


Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Golaha nabadda iyo amaanka ee Afrika, ayaa waxaa la isla gartay in si wada jir ah looga hortago halisaha kooxaha mayalka adag ee ku faafaya Afrika.

Shirkan ayaa waxaa dowladda Soomaaliya uga qeyb galay wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo lagu soo bandhigay warbixino ka hadlayay kooxaha argagixisada Afrika iyo sida looga hortegi karo.

Madaxweynaha dalka Nigeria Goodluck Jonathan oo ah gudoomiyaha midowga afrika iyo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta waxana ay hoos ka xariiqeen muhiimada ay leedahay in wadamada qaarada afrika ay iska kaashadaaan sidii loola dagaalami lahaa,loona cirib tiri lahaa aragagixisada ka soo ifbaxday qaarada.


Wakiiladii ka kala socday ururada IGAD,IOC,EU,UN,Jaamacada Carabta iyo dalalka USA,France,Rassia,China iyo UK ayaa sheegay in ay wadamada qaarada afrika ka taageeri doonaan dagaalka ay kula jiraan argagixisada.
Gabagabadii kulankii looga hadlayay argagixisada iyo kooxaha mayalka adag ee Afrika, kadib ayaa waxaa kulan gaar ah dhex maray Madaxweynaha Somalia Xasan sheekh Maxamuud iyo dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Labada Madaxweyne ayaa waxay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo howlgalada lagu baacsanayo Al-Shabaab iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka argagixisada.

Lama oga in labada Madaxweyne ay ka wada hadleen murunka ka dhaxeeya ee xuduuda badda oo Dowladda Somalia 28 bishii hore dacwad ka dhan Kenya u gudbisay Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ si xal looga gaaro murankaasi ay Kenya ku sheeganeyso qeyb ka mid ah badda Somalia.

















FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada