Daawo Sawirada Taliyaha ciidammada Mareykanka ee Geeska Afrika oo Muqdisho yimid lana kulmay Taliyaal Ciidan

Daawo Sawirada Taliyaha ciidammada Mareykanka ee Geeska Afrika oo Muqdisho yimid lana kulmay Taliyaal Ciidan

daajis.com:-Taliyaha ciidammada Mareykanka ee dalalka Geeska Afrika Jeneral Well Crisp oo shalay Muqdisho soo gaaray ayaa booqday xarunta Villa Baydhaba iyo Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo uu soo indho indheeyay dhammaan qeybaha ciidammada iyo sida ay u shaqeeyaan, halkaasi oo uu war-bixinno ka dhageystay saraakiisha madaxda ka ah xarumahaasi uu maanta booqday.

Jeneral Well Crisp ayaa kulan la qaatay Taliyaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneral Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe),iyagoona ka wada hadlay xoojinta taageerada la siinayo Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya.

Taliyaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya, ayaa ammaanay booqasho uu Jeneral Well Crisp maanta Muqdisho ku yimid, waxa uuna sheegay in Saldhigga Ciidammada Mareykanka ee Soomaaliya uu noqon doona mid waxtar u leh Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya.

Jeneral Daahir Aadan Cilmi ayaa ugu hambalyeeyey ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed guulihii ay ka gaareen howlgallada ay ka wadaan gobollada dalka ee Badweynata Hindiya, isagoo Taliyuhu howlgaladaasi ku sheegay in ay yihiin kuwa looga gol’leeyahay in dalka oo dhan looga ciribtiro Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Xooga dalka ayaa dardaaran u jeediyay dhalinyarada ka bar bar dagaalamaya Al-shabaab inay garabkooda ka soo baxaan kuna soo biiraan Ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii taliyaha Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneral Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa hoosta ka xariiqay in deegaannada ay ciidammadu howlgallada ka fulinayaan in si dhow ay uga warqabaan oo ay xiriir wada leeyihiin Bulshada iyo saraakiisha howlgalka hoggaamineysa.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada