Wasiirka warfaafinta oo soo dhoweeyay Ansixinta xeerka Saxaafadda dalka

Wasiirka warfaafinta oo soo dhoweeyay Ansixinta xeerka Saxaafadda dalka

daajis.com:-Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Duhulow ayaa soo dhoweeyey ansixintii golaha wasiirada ay maanta ansixiyeen Xeerka Saxaafadda, waxuuna yiri “Xeerkan Saxaafadda waa mid u adeegaya danaha Suxuufiyiinta Soomaaliyeed, isla markaasna u horseedaya dalka horumar dhanka warbaahinta ah.”

Xeerkan ayaa soo maray marxalado kala duwan oo dhammaan qeybaha bulshada lala soo tashtay, isla markaana uu yahay mid waafaqsan dhamaan sharciyada dalka iyo kuwa caalamiga ah.
 
Wasiirka ayaa yiri “Xeerkan Saxaafadda waxuu qeexayaa shuruucda u degsan saxaafadda Qaranka Soomaaliyeed, waxuuna waafaqsanyahay Dastuurka Dalka ee qodobka 18aad Xeerkan waa mid aad loogu baahanyahay, oo si weyn uga qeybqaadanaya dib u dhiska iyo dib u habeynta hay’adaha warbaahinta Dalka, horumarka warbaahinta dalka, Kobcinta tayada warbaahin casri ah, waxuuna shaqo u abuurayaa dhalinyarada, isla markaana illaalinayaa xaquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed. Sharcigan waxuu ka illaalinayaa shaqsiga Soomaaliyeed in warbaahintu ku xadgubto sharafta iyo karaamada shaqsiga.”
 
Wasiirka oo ka hadalayey marxaladda uu soo maray Xeerkan Saxaafadda ayaa yiri “Xeerkan waa mid lagala tashtay dhammaan qeybaha bulshada, gaar ahaan saxuufiyiinta Soomaaliyeed, oo kulammo wadatashi ah lagu soo qabtay deegaanno fara badan sida Gaalkacyo, Garowe, Beledweyne, Baydhabo, Kismayo iyo Muqdisho. Waxaan si gaar ah tixgelin u siinay warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay oo ay guddiga dib u eegista sharcigan ay ka mid ahaayeen oo ay si qoto dheer muddo ka badan 3 bilood ugu kuurgalayeen sharcigan.”
 
Xeerkan ayaa damaanad qaadaya inay jiraan Warbaahinta Qaranka, Warbaahinta sida gaar ah loo leeyahay iyo Warbaahinta Dadweynaha (Public Service Broadcast). Wasiirka oo ka hadlayey arrintan aya yiri “Qoddobka 23aad waxuu sheegayaa in dalka markii ugu horreysay loo sameynayo Adeega Warbaahinta Dadweynaha (Public Service Broadcast) oo u adeegeysa danaha shacabka. Waddankana waxaa muuqata inuu horumar joogta ah sameynayo.”
 
Xeerkan Saxaafadda ayaa waxaa loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka si ay uga doodaan ka dibna u ansixiyaan. Madaxweynaha ayaana dekreeto ka soo saaraya marka baarlamaanku ansixiyo si uu u dhaqangalo Sharcigan Saxaafadda.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada