Daawo Video:- Mario Bolatelli iyo Bush oo furay xujada biyaha barafka ee ALS Ice Bucket Challenge.

Daawo Video:- Mario Bolatelli iyo Bush oo furay xujada biyaha barafka ee ALS Ice Bucket Challenge.

daajis.com:-Weeraryahanka xulka Talyaaniga Mario Bolatelli iyo Madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush ayaa kusoo biiray dadka caanka ah ee sameeyay ololaha wacyi gelinta cudurka amytrophic lateral sclerosis (ALS).


Mudooyinkan danbe ayaa baraha bulshada iyo warbaahinta caalamka si weyn u baahinayeen "Ice Bucket Challenge" oo ah xujo qofka laga doonayo in uu furo isagoo baaldi biyo iyo baraf lagu shubay isku gedinayo, ama in uu bixiyo deeq lacag dhan 100 Dollar taasoo qeyb ka ah wacyi gelinta cudurka halista ah ee Amytrophic lateral sclerosis (ALS) oo dadka qaba lagu taageerayo.


Bolatelli ayaa baaldi ku shubay biyo iyo baraf, kadibna isku gediyay, isagoo qeylinaya, waxaa sidoo kale xujadan sameeyay ciyaartoy caan ah sida Sulley Muntari and Michael Essien.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa horay u sameeyay xujadan, halka ay u dheeri tahay in uu bixiyay lacagta tabarucaadka.

Xujadan ayaa noqotay mid dareenka bulshada soo jiidatay, qof walbana uu isku daday in uu sameeyo, iyadoo ay ku baahinayaan baraha bulshada ku xiriirto.

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada