Daawo Video:- Dumarka Soomaalida ee ku nool Uganda oo bilaabay racitaanka mootooyinka!!

Daawo Video:- Dumarka Soomaalida ee ku nool Uganda oo bilaabay racitaanka mootooyinka!!

daajis.com:-Gabdhaha Soomaalida ee ku nool dalka Ugandha ayaa waxaa la sheegay inay caadeysteen arin la yaab leh oo aan horey loo aqoon ka dib markii ay bilaabeen isticmaalka iyo racitaanka mootooyinka kuwaas oo qatar ku ah noloshooda islamarkaana meel ka dhac ku ah sharaftooda iyo diintooda iyadoona qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ay la yaabeen arintaan oo ayna ku tilmaameen wax ku cusub dhaqan Soomaalida.

Gabdhahaan Soomaalida oo badankood ku nool xaafada Kisenyi ee magaalada Kampala oo ah xaafada ay dadka Soomaalida ah ay ka degan yihiin magaalada Kampala islamarkaana ah xaafad ay ku nool yihiin dadka danyarta ama faqriga ah una badan jiingadaha iyo cooshashka ayaa waxay ay gaadiid ahaan u isticmaalaan mootooyinka laba lugaaleyda ah kuwaas oo looga yaqaana dalkaas BODA-BODA iyadoona xaga dambe ka fuulo rag u dhashay dalkaas Ugandha oo iyaga ku shaqeysta mootooyinkaas arintaas oo yaab iyo amakaag ku reebtay qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaalida, Mootooyinka oo si aad iyo aad ah uga howl galo dalkaas Ugaandha ayaa waxay dadka u isticmaalaan sidii gaadiidka dadweynaha iyadoona la kireysto islamarkaana si dhaqso ah kuugu qaadaayo meel walba oo aad rabto.

Ugu dambeyntiina iyadoo dalkaas Ugaandha ay wax caadi ah ay iska tahay in lagu safro mootooyinkaas ayaa arinta la yaabka leh waxay tahay inay gabdhahaas Soomaalida ah ee muslimiinta ah ee xijaaban inay ku dhiiradaan inay raacaan mootooyinkaas oo ayna dusha ka fuulaan nin aajanabi ka ah arintaas oo meel ka dhac ku ah diinta islaamka iyo dhaqanka Suuban ee dadka Soomaalida ayaa dadka qaar waxay arintaan uga cudur daarteen inay mootooyinkaas ay yihiin gaadiid ka caan ah dalkaas oo si weyn ay bulshada ku nool dalkaas ay guud ahaan u isticmaalaan oo ayna gabdhahaas Soomaaliyeed ay ku kaliftey arintaan iyadoo mootooyinkaas ay yihiin kuwo qiimo jaban islamarkaana si deg deg ah oo dhib yar kuu gaarsiinaayo meesha aad doonto laakiin waxaa la is weydiin karaa arintaas ma noqon kartaa mid lagu qanco.
Abdirizak M. (Xiireey)


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada