Daawo Sawirada:- G/Baarlamaanka oo Haween Hide & Dhaqanka xeran kusoo dhoweeyay Baydhabo

Daawo Sawirada:- G/Baarlamaanka oo Haween Hide & Dhaqanka xeran kusoo dhoweeyay Baydhabo

daajis.com:-Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa maanta "1 Sept-2014" gaaray magaalada Baydhabo, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay, waxaana soo dhoweyntiisa ka qeyb qaatay xubnaha labada gole ee dowladda, Saraakiil ciidan iyo qeybaha bulshada.

Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa si gaar ah usoo dhoweeyay oo uu gacan qaaday Haween xeran guntoonooyin iyo Shaashash Hidaha iyo Dhaqanka oo Baydhabo ay caan ku tahay.

Soo dhoweynta kadib, Prof. Jawaari wuxuu kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha guddiga farsamada ee ay Xukuumaddu u magacawday maamul u sameynta Sedaxda gobol.

Ujeedada socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku saabsan sidii uu u soo afjari lahaa khilaaf siyaadeed ka taagan Baydhabo oo u dhaxeysa maamulada iska soo horjeeda ee sedaxda gobolka iyo lixda gobol.










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada