Wararkii Ugu Danbeeyay:- Mareykanka oo weeraray Al-Shabaab (Warar sheegaya dhimashada Godane)

Wararkii Ugu Danbeeyay:- Mareykanka oo weeraray Al-Shabaab (Warar sheegaya dhimashada Godane)

daajis.com:-Milatariga Mareykanka, ayaa weerar ka hortag argagxiso ah ku qaaday hoggaamiyayaasha Al-Shabaab ee Soomaaliya, waxaa sidaas sheegay saraakiil ka tirsan waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon.

Illaa iyo hadda lama oga, haddii weerarka oo dhacay xalay uu ku guuleystay bartilmaameedyadiisa iyo haddii kale.

Diyaarad nooca aan cidna wadin ah (Drone), ayaa gantaallo ku garaacday meel u dhow degmada xeebta ah ee Baraawe, oo kooxda Al-Shabaab xarun u ah. Pentagon-ka Mareykanka ayaa qiray weerarka, balse wax faah-faahin ah ma bixin.

“Waxaan qiimeyneynaa natiijada weerarka, waxaana akhbaar dheeri ah bixin doonnaa marka ay habboon tahay” ayuu yiri Rear Adm. John Kirby, oo ah madaxa warfaafinta Pentagon-ka.

Hadalka Pentagon-ka, sidoo kale ma caddeyn, haddii weerarka uu ku sinnaa diyaarad kaliya iyo inay ciidamada Mareykanka dulka cago dhigteen.
Diyaarad nooca aan duulliyaha lahayn ee Droneska ayaa la sheegay inay ugu yaraan 4 gantaal la beegsatay gaadiid ay Alshabaab leeyihiin.

Hay’adda Sirdoonka Somalia ayaa xaqiijisay weerarkaasi, oo ay sheegeen in lala beegsaday Kolonyo gaadiid oo ay Saraakiil Alshabaab la socdeen, waxa ayna Farta ku goday in waxyeelo ay soo gaareen Hoggaamiyayaal iyo Saraakiil la socday Gaadiidka.

Sirdoonka Somalia, ayaa waxa ay sidoo kale xaqiijiyeen in ugu yaraan weerarkaasi ay ku haligmeen inkabadan 11 u badnaa Hoggaamiyayaal iyo Saraakiil wallow aysan si qoto dheer usii faah-faahin.

Sidoo kale, labada Sirdoon ee Mareykanka iyo Somalia waxa ay sheegeen in xiligaani ay Kooxda Alshabaab bilaabeen inay isaga huleelaan magaalladda Baraawe ee ay ku xooggan yihiin.

Ku dhowwd sanad ka hora yay ahayd markii ciidamada Mareykanka ee Navy Seal ay weerareen guri ku yaalla baraawe, si ay usoo qabtaan Cabdulqaadir Muxamed Cabdulqaadir oo Cikrama loo yaqaan, hase yeeshee weerarkaasi wuu fashilmay.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Sidii oo ka hadlay duqeyntii, ayaa sheegay in lala eegtay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in duqeynta ay ku dhinteen gudoomiyihii Al-Shabaab ee Shabeelaha Hoose, Axmed Godane iyo saraakiil kale oo badan, sida uu hadalka u dhigay. Ma jirto cid xaqiijin karta warkiisa.

Isagoo la hadlayay VOA ayuu sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaanada Sablaale, Dhaay Tubaako iyo Haawaay, wuxuuna sheegay in dhamaantood goobta ay ku shirsanaayeen.


Xaalada magaalada Baraawe ayaa kacsan saaka waxaana jirta baqdin kale oo laga qabo in ciidamada dowlada ay weeraraan degmadaasi maanta.
Duqeymaha Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka waxay sannadkii hore beegsadeen, isla markaana dileen Saraakiil ka tirsan Alshabaab.

Dhanka kale, Weerarkan ayaa yimid, hal maalin kadib, markii ay Dagaalyahannadda Alshabaab weerareen Xabsiga Nabadsugidda Godka Jilicow, iyadoo iska horimaadkaasi lagu dilay 12-qof oo 7 ka mid ahaayeen kooxihii weerarka soo qaaday.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciiddanka Maraykanka ee jooga Bariga Afrika, Jeneral Weyn Crisms ayaa shalay booqasho ku yimid magaalladda Muqdisho, isagoo kulamo la yeeshay Saraaakiisha sarsare ee Milliteriga Dowladda Somalia.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada