Ciidanka Dowlada oo Lagu Wado in ay Saacadaha Soo Socda La Waregaan Dagmada Jalalaqsi.

Ciidanka Dowlada oo Lagu Wado in ay Saacadaha Soo Socda La Waregaan Dagmada Jalalaqsi.

daajis.com:-Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in ay duldageen Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Bartamaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Huwanta ah ay Degmada ujiraan ilaa 10-KM Qorshahooduna uu yahay sidii Degmada Gacanta loogu dhigilahaa loogana saari lahaa dagmada.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Baledweyne ayaa sheegay in Ciidamadu ay maanta qabanayaan Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale Degmada ayaa waxaa ka Barakacay Dadkii Shacabka ahaa ee Magaalada ku noolaa kuwaas oo ka baqaya in Dirirtu ay saameeyn ku yeelato.
Degmada Jalalqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa ah Degmada kaliya ee Al-shabaab ay ka joogaan Gobolka Hiiraan



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada