Daawo Sawirada:- Terminalka cusub ee uu yeelan doono garoonka Muqdisho

Daawo Sawirada:- Terminalka cusub ee uu yeelan doono garoonka Muqdisho

daajis.com:-Garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku socda dhismo heer caalami ah si uu ula mid noqdo garoomada caalamiga ah ee dunida ka shaqeeya, iyadoo dhismahan uu heer dhexdhexaad uu xiligan marayo.


Garoonka ayaa waxaa loo sameeyay Terminal caalami ah oo la mid ah kuwa dalalka caalamka, iyadoo ay fulineyso shirkadda FAVORI ee dalka Turkiga laga leeyahay, taasoo howlo fara badan ka wato, waxaana la filayaa marka uu dhamaado dhismaha cusub in qeybta hadda uu ku shaqeeyo laga guuro.

Madaxweynaha Somalia oo ay wehliyaan Wasirka gaadiidka iyo Maareyaha Hay’adda duulista hawada ayaa kormeeray dhamaan qeybaha garoonka dhismihiisu socdo uu ka koobanyahay, isagoo warbixin ka dhageystay injineerada shirkadda FAVORI ee dhismihiisa ku howlan.

“Waa horumar oo aad u balaaran oo dalka ka socda, waan rajeyneynaa in shakiga ay markii hore shacabku qabeen ee ah in shirkadda FAVORI aysan wax qaban karin, muuqaalkan dhismaha ee ay shirkaddu waddo wax badan ayuu ka badalayaa garoonka, oo garoonka waxa uu noqonayaa mid ka mid ah kuwa caalamka oo kale” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u sheegy in shirkadaha caalamiga ah iyo aduunkaba in dowlada Soomaaliya ay soo dhaweyneyso cid weliba oo dalka wax ku soo kordhineysa, isagoo dhinaca kale tilmaamay in Dekadda muqdisho isbedel laga filayo.

“Shirkadaha caalamka iyo kuwa kale ee ay Soomaalidu leeyihiin waxaan leenahay hala yimaado dalka oo hala maalgeshado, si ay dib u soo laabtaan guud ahaan adeegyadii bulshada u baahnaayeen, tani waa horumar uu dalka ku talaabsanayo” ayuu markale Madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.


Dhismaha hoolalka cusub ee garoonka diyaaradaha ayaa ah mid soo jiidanaya indhaha, iyadoo uu aad uga balaaranyahay kii hore, waxaana uu qeyb ka yahay horumarinta ay dowladda Soomaaliya gaarsiisay dalka mudada kooban ee labada sano aheyd.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada