Ra’iisul Wasaaraha Australia Tony Abott oo ku hanjabay dagaal ka dhan ah Daacish

Ra’iisul Wasaaraha Australia Tony Abott oo ku hanjabay dagaal ka dhan ah Daacish

daajis.com:-Tony Abott waxaa uu sheegay in Daacish ay tahay koox diineed dad qal ah taas oo aan khatar ku ahayn dadka bariga dhexe oo keliya balse halis ku haysa caalamka oo dhan, oo ay ku jirto Australia.

Dowladda Australia, waxay direysaa 400 oo ciidanka cirka ah iyo 200 oo askarta lugta ah, kuwaas oo tababarayaal milateri u noqon doona ciidammada Ciraaq ama Kurdiyiinta Peshmerga.

Ciidanka Australia waxaa saldhig u noqonaysa xarun Maraykanku ku leeyahay dalka Isutagga Immaaraadka Carabta.

Siddeed ka mid ah dayuuradaha dagaalka ee casriga ah ee dalka Australia ayaa sidoo kale ku biiraya dagaal caalami ah oo lagaga hortegayo dagaallamayaasha islaamiga ah ee soo socda.


Ra’iisalwasaare Abott waxaa uu sheegay in dowladdiisu aanay weli go’aansan inay ciidan dagaallama u dirto inay xagga dhulka ka dagaallamaan. Toddobaadkii hore, Canberra waxay markii ugu horreysay sare u qaadday heerka feejignaanta argagixisada sababtoo ah suurta galnimada weerarro ay soo qaadaan muwaadiniin reer Australia oo ka soo noqonaya dagaalka ka socda dalalka Ciraaq iyo Suuriya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada