daajis.com:-Wasaaradda Amniga Qaranka ayaa maanta soo bandhigtay horjooge ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo isku soo dhiibay gacanta dowladda Soomaaliya, ayadoo abaalmarino dhiiro gelin ah ku guddoonsiisay.
Maxamed Aadan Cabdiraxmaan oo ah horjoogaha shabaabka ka tirsanaa ayaa sheegay in isu soo dhiibistiisa ay gacan ka geysteen Waalidkiis, isagoo xusay in uu aad ugu faraxsanyahay sida uu uga soo goosta kooxda Shabaab.
“Waxaan ka tirsanaa Al-Shabaab, muddo ayaan la shaqeynayay, waxaana ka howgeli jiray Degmad Jilib, deegaankaygana waa Diinsoor, dowladda iyo Ummadda cafis ayaan weydiisanayaa, markii aan soo goosanayay fasax ayaan kaga faa’iideystay, oo aan go’aansanay in aan isaga soo tego” ayuu yiri Maxamed Aadan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 12:30 and have
, Published at