Gudoomiyaha Degmada Wadajir oo Furay Waddo Cusub oo laga hirgaliyay Halkaas

Gudoomiyaha Degmada Wadajir oo Furay Waddo Cusub oo laga hirgaliyay Halkaas

daajis.com:-Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee degmada iyo talaabooyinka horumarka leh oo ay ku talaabsadeen.

Axmed Cabdulle ayaa sheegay in maamulkiisu uu ku guuleystay dib u furista waddo muhiim ah isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha oo ku taala Waaxda Xaawo Taako, waxayna wadaaasi ka soo bilaabataa Laamiga ee weyn.

“Waddada waxa ay ka soo bilaabataa Laamiga weyn ee dhexmara degmada Wadajir, waxayna soo mareysaa xaafadda Nasteexo, waxayna sidoo kale u dhexeysa Safaaraddii hore ee Mareykanka iyo dhabar dambe ee aan dhisneyn Cisbitaalka Madiina, taasi oo si toos ugu soo dhaca (Daarta Seybiyaano) ama Laamiga kala bara Degmooyinka Wadajir iyo Hodan” ayuu yiri Axmed Cabdulle.

Guddoomiyaha degmada Wadajir ayaa sidoo kale tilmaamay in xaaladda amni ee degmada ay tahay mid wanaagsan, isla markaana ciidamada booliska iyo Nabad sugidda ay yihiin kuwa wada shaqeyn buuxdo ka dhexeyso oo kaashanaya shacabka degmada ku dhaqan, waxaana uu intaa ku daray in ay xoogga saarayaan ka shaqeynta iyo horumarinta adeegyada guud ee bulshada.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada