Hoggaamiyaha cusub ee Al-Shabaab oo la ogaaday inay ilmo habreed ahaayeen Godane

Hoggaamiyaha cusub ee Al-Shabaab oo la ogaaday inay ilmo habreed ahaayeen Godane

daajis.com:-Yuusuf Siyaad Indha Cadde oo horay xubin ka ahaa Golihii Maxkamadihii Islaamiga ee markii dambe ay ka baxeen Al-Shabaab ayaa ka hadlay aqoonta uu u leeyahay ninka loo magacaabay Hogamiyaha cusub ee Al-Shabaab.

Indha Cadde ayaa sheegay in ninkan ka mid ahaa aas aasayaashii Al-Shabaab, isla markaana mar noqday la taliyaha gaarka ah ee Godane.

“Ninkaan, Ibraahim Afghan iyo aadan xaashi iyo koox kale oo Somaliland joogay iyo kuwa kale oo Koofurta Joogay waxay aas aaseen ururkanka, runtii aniga Axmed Diiriye waa aqaan ma lahan aqoon diin iyo mid maadi ah, sida Godane oo kale ma ahan, waana nin ay isku famil yihiin, fikradaas xagjirnimada ayay isaga mid yihiin”ayuu yiri Indha Cadde.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in isaga uu aaminsan yahay in aysan jiri doonin dad badan oo ka dambeyn doona sida uu yiri.

“Axmed Diiriye waa nin dheer, madow oo xoogan, wuxuu ka mid noqday Golihii Shuurada markii Godane la dooranayay, ma aaminsani in rag badan oo aan aqaan ka dambeyn doonaan”ayuu yiri Indha Cadde.


Hogaamiyahan cusub oo aan wax badan laga aqoon ayaa la sheegay inuu horay u soo noqday Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolada Bay iyo Bakool, waxaana uu ku dhashay deegaanka Khalaafe ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, isagoo macalin dugsi quraan ka ahaa ka soo noqday Kismaayo, waxaa uu ka tirsanaa Ururkii Raaskambooni.

Bayaan ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inuu geeriyooday Hogaamiyihii hore Axmed Godane, isla markaana la magacaabay Hogaamiye cusub  oo lagu magacaabo Axmed Cumar Abuu Cubeyda, hase ahaatee dadka u yaqaanaan Axmed Diiriye ama Axmed Dheere.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada