Dhaqamo aan horay Muqdisho ugu jirin oo kusoo badanaya

Dhaqamo aan horay Muqdisho ugu jirin oo kusoo badanaya

daajis.com:-Qurba joogta ku qulqulaya magaalada Muqdisho ayaa waxay magaalada kusoo kordhiyeen dhaqamo horay loo aqoon, haddey jireena ay aad u yaraayeen in bulshada badankood lagu arko, hase ahaatee xiliyadan danbe ay caadi ka noqdeen dhaqamadaasi.

Dhaqamada ku cusub magaalada Muqdisho ee qurba joogto laga dhaxlay ayaa waxaa ka mid ah in Haweenka bulshada dhexdooda ay ku cabaan Shiishadda, Sigaarka iyo cunista qaadka, halka horay aysan dumarku balwadahooda ahaayeen kuwo qarsoon.

Hoteelada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo kordhiyay adeegyo cusub oo ugu horeyso iibinta Shiishadda, oo halkii fadhi ee qofka uu bixinayo qidmo yar oo hal saarmo shiishad ah iyo cabitaankeeda.

shiishoWaxaa arkaysaa markaa hoteelladaasi tagto Dumar Shiishad dhuuqaya, horayna looma arki jirin in bulshada ay dumarku ku dhex cabaan balwadaha.

Haweeney da´ah oo ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegtay in waayo badan ay usoo joogtay, weligeedna aysan arkin dumar bulshada dhexdooda balwad ku isticmaalaya, halka markii hore ay yaraayeen dumarka isticmaala balwadaha.


Dhaqamadan ayey sheegtay Haweeneydaasi oo diiday in magaceeda la daabaco in ay magaalada kusoo kordhiyeen dadka qurbaha ka yimaada, oo Hoteeladda iyo baararka taga.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada