Koox xus u dhigeysay Godane oo Hargeysa lagu xeray

Koox xus u dhigeysay Godane oo Hargeysa lagu xeray

daajis.com:-Ciidamada Booliska maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay labo koox oo ka mid ah kooxaha kubadda cagta ka dhisan Hargeysa oo doonayay in ay dhigaan Koob ay ku xusi rabeen hoggaamiyihii geeriyooday ee ururka Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo 1-dii bishan Sep. lagu dilay duqeyn ciidamada Mareykanka fuliyeen.

Dhalinyarada labadan kooxood ee xuska u dhigayay Axmed Godane ayaa u yiilay Koob loogu baroor diiqayay Godane oo ay doonayeen in lagu qabto garoonka ciyaaraha Hargeysa, waxaana ka war helay ciidamada booliska oo amar lagu xeray uu bixiyay Taliyaha Booliska Somaliland C/llaahi Fadal Imaan.

somaliland-policeTaliyaha Booliska Somaliland C/llaahi Fadal Iimaan iyo dhalinyaradaasi ayaa waxaa dhex martay dood dheer, Taliyuhuna uu ka dalbaday dhalinyarada in ay joojiyaan koobka xuska ay u dhigayaan Godane, balse ay ka horyimaadeen codsiga Taliyaha, taasoo markii danbe uu ku amray ciidamada Booliska in ay xiraan dhamaan dhalinyaradaas iyo cid kasta oo ku lug leh qabashada koobkaas.

Waalidiinta dhalinyarada xabsiyada ku jirta ee falkani loo xeray ayaa sheegay in arintani ay dhacday todobaadkii hore, ilaa haddana ay xabsiyada ku jiraan ubadkooda.


Falkani ayaa si weyn looga hadal hayaa magaalada Hargeysa, oo saameyn ballaaran ku yeelatay dilkii Hoggaamiyihii Shabaab Axmed Godane, oo dadka Somaliland badankiis ay aad u taageersanayeen.

Geeridii Godane kadib, waxaa Hargeysa Shir jaraa’id ku qabtay Axmed Cabdi Godane Walaalkiis oo lagu magacaabo Baashe Cabdi Godane, isagoo sheegay in walaalkiis uu u dagaalamayay difaaca Diinta iyo sharafka Muslimiinta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada