Dibadbax loogu soo horjeeday Shirkad turkiga oo maanta ka dhacay Muqdisho(Sawiro).

Dibadbax loogu soo horjeeday Shirkad turkiga oo maanta ka dhacay Muqdisho(Sawiro).

daajis.com:-Kumanaan dibad baxayaal ah oo ka tirsan xoogsatada Dekada magaalada Muqdisho xubinna ka ah isu tagga urur weynaha shaqaalaha soomaaliyeed (SCTU) ayaa isugu soo baxay banaanka wadooyinka soo gala dakada muqdisho ilaa sayidka xarunta baarlamaanka, kuwaas oo watay boorar fara badan oo ku qoran af Soomaali iyo English ay ku xardhanyihiin halkudhigyo ay ka midyahiin .

1.Waan shaqeysanaaye yaan shaqo la’ aan naladhigin
2.Waxa lagu saaro qaad waxa lagu siiyo qaado doonimeyno
3.Turkiyow talo tuugo haku shaqeyn
4.Aabahay waa xamaali ee yaan waxbarasho la’aan laydhigin oo xamaali layga dhigin
5. Hormar diidi mayno shqo laaana doonimayno

Gudoomiyaha Isu Tagga Ururweynaha shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Xaaji oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in shaqo la’aanta ka dhex jirta dhalinyarada Somaliyeed ay noqotay dhibaato wayn, taasi oo dhalinyarada ku khasbaysa inay iskaga haajiraan dalka ama ay ka qaybqaataan burcad badeednimo iyo falal danbiyeeda kale ee dalka ka dhaca hadii ay dhacdo in shaqaale shaqo haysto ay sababto in ay shaqo la’aan dhigto ay suuragal tahay in ay sii kordhaan falalkaas.

Isu Tagga Urur Weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa uu soo dhaweynaa heshiis kasta oo lagu hormarinaayo shaqaalaha soomaaliyeed oo ay wada galaan Dawladda Soomaaliya iyo shirkado shisheeye lakiin waxaan ka soo horjeednaa in shaqo la aan ladhigo dad hada shaqeysta.
Gudoomiyaha Xoogsatada dakada muqdisho Yuusuf Warsame afrax ayaa goobta ka aqriyay warsaxaafadeed sidaana ayuuna ahaa.

Annagoo ah Xoogsatada Dekadda Muqdisho tiradoodu tahay 5311 oo leh Sharci & aqooni Masuuliyiin kala duwan nasiiyeen.

Asalkeynuna ka soo jeeda Hay’ada Shibil ah oo xiligii Gumeestihii loo tababaray in ay markab badeeco ka dajiyaan kana kooban Xamaali, Wiish wade, Tiriye & Farsamo yaqaan xirta Baabuurta, Containaradda markab ka dajin & Faarujin, Barxadaha Furan Badeeco ka rarid, & Dhamaan Badeecadaha Dhoofaaya Rarkooda.

Hadaba Wasiirka dekadaha wuxuu Dakadii ku wareejiyey Shirkad ( Al-Beyrak) layiraahdo iyadoo aan xoogsatada wax heshiis ah aan lala galin, shirar wax khalad ahi kasoo baxeen maahine, sida:- 350 Xamaali keena oo sadix shifti oo min 8-saac ah shaqeeya qofkiina shiftigii lasiiyo $6 lix doolar& war kadanbeeyey oo ah 1,800/= loorkii ku shaqeeya min markab ilaa B/buur ku rasayn ay ku jiraan Wiisha wada & Tiriye Badeecooyinka kalana waa lamid.

Annagu waxaan dooneeynaa Hurumarin dakaded, laakiin meeshaan kama muuqato shaqadii aan qaban jirnay, waxaa ay kusoo kordhiyeen waa hal wish oo weyn kaliya, waxayna doonayaan in ay tariifadeyni dhiman Tusaale:- Lorka anagu waxaan min markab ilaa B/buur Hadda Ganacsatadda ka Qaadannaa 6,00/Sh. Som, Suuqyadda Xamar Baqaar galin & Ka bixin waa 4,000/= Sh. Som, (Al-Beyrek) ku shaqeeya natiri 1800/=Sh.Som,hoos u dhac waa:- 70%.

Fuustada hada waxaan ganacsatada ugu shaqeynaa 40,000 /= suuqyada xamar waxaa bakhaarrka lagu galiyaa laguna baxshaa 40,000 /= Sh.Som (Al-Beyrek) waxeyna tiri 7,200/ Sh. Som, ku shaqeeya waxaa naga lumay Tariifadeyni 82% oo hoos u dhac ah.

Micnaheedu waa ha ku shaqeywaayaano ee Ha kabaxeen dakadda, waxaan dhibkaas & taladaas khaladka ah Bixinaaya Rag Deegaanka ah oo Hay’adda Sheerwadaag la ah, Islamarkaan Doonaya in aan ku shaqeeyno wax aad u hooseeya si ay lacag badan u helaan.

Maraakiibta Containarada oo hada shaqada u badan waa la wareegeen Wish wadayaashii, Farsma yaqaanadii & tiriyaashii ka shaqeyn jiray iyagoon nagala hadlin ayeey Bedelkoodiina dad qorteen, sidaas ayeyna shaqadoodii 60% ku waayeen.

Hadaba Masuuliyiin Heer qaran ee Cabashadeenu ku socoto waxaan ka codsanaynaa in ay Xaqiiqada Ogaadaan.

Cidii Gardarana Qabtaan, Awoodda Dowladdana iyadoo Nagala Gardaran yahay aan naloo adeegsan.
Intaas kadib ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay banaabax afka hore ee xarunta baarlamaanka taas oo ay macnaheedu tahay baarlamaanka ayaan karabnaa in ay nadifaacaan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada