Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka oo kordhiyay Duqeymaha ee la beegsanayaan Xoogaga Islaamiyiinta ee Daacish

Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka oo kordhiyay Duqeymaha ee la beegsanayaan Xoogaga Islaamiyiinta ee Daacish

daajis.com:-Dowlada Mareykanka ayaa kordhisay saacadihii lasoo dhaafay Duqeymaha dhinaca cirka ah ay u geesaneyso Xoogaga Islaamiyiinta Daacish ee ka dagaalama qeybo kamid ah Dalka Ciraaq.


Saraakiil katirsan Wasaarada Difaaca Dowlada Mareykanka ayaa sheegay in saacadigui lasoo dhaafay ay qaadeen weeraro dhinaca cirka ah ay ku bartilmaameedsanayeen Gawaari iyo xeryo ciidan ay lahaayeen Kooxda Daacish.

Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa duqeeyey goob ku dhaw caasimada Baqdaad oo ay fariisimo ka sameysteen Dagaalyahanada Daacish, waxa ay sidoo kale Diyaaradaha duqeeyeen gawaari ay leeyihiin kooxda Daacish, oo marayey meel u dhow buuraha Sinjar ee ku yaala waqooyiga Ciraaq.

Saraakiisha difaaca ee Mareykanka, ayaa weerarkan cirka ah ku tilmaamay mid ay ku balaarinayaan masuuliyadoodii markii horaba aheyd in ay difaacaan muwaadiniinta Mareykanka ah, iyo bixinta gargaar bani’aadanimo.

Madaxweynaha Dowlada Mareykanka Barack Obama ayaa dhawaan shaaciyay in ay duqeymo culus ka geesan doonaan Diyaaradahooda dagaalka meel kasto ay joogaan Xoogaga Islaamiyiinta ee Daacish si ay u bur buriyaan awooda kooxdaasi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada