Dowladda Kenya oo qorsheyneyso inay xirto Masjidyo ay sheegtay in laga qoro Al-Shabaab

Dowladda Kenya oo qorsheyneyso inay xirto Masjidyo ay sheegtay in laga qoro Al-Shabaab

daajis.com:-Hay'adda Nabadsugida iyo dambi baarista dalka Kenya ayaa sheegtay in la xiri doono dhowr Masjidyada Muslimiinta Kenya ay ku cibaadeystaan, kuwaasi oo uu sheegay in laga sameeyo ololaha iyo tashkiilinta dhalinyarada ku biireysa Ururka Al-Shabaab.


Hadalkan ayaa Axadii waxaa jeediyay Taliyaha Hay'adda Nadadsugida Kenya Ndegwa Muhoro, isagoo tilmaamay in la xeri doono masjidyada qaar oo laga qoro dadka ku biiraya Al-Shabaab.

Hase ahaatee, waxaa hadalkaasi ka dhashay caro ay Muslimiinta Kenya ka muujiyeen hadalka Ndegwa Muhoro, iyagoo sheegay in tallaabadani ay u muuqato mid sii xoojin karta shaki ay shacabka Kenya ee Muslimiinta ka qabeen Dowladda Kenya.

Xildhibaan Bilow Keerow oo laga soo doorto Degmada Mandheere ee gobolka Waqooyi Bari oo la hadlayay Wargeyska standard ayaa si kulul ugu hadlay go'aanka Dowladda Kenya, isagoo sheegay in xalku aanu ku jirin in la xiro masaajidada cabsi laga qabo fikirka xagjirnimada darteed.

" Tallaabadaasi waxay ka dhigan tahay dekedda Mombasa oo loo xiray gacasatda daroogada oo marar badan ka dhoofay darteed, ama guri loo qarxiyey in qofka kiraysatay uu argagixiso ahaa.  Dowladda waxaa laga rabaa inay beegsato dadka howlahaas kuleg leh, ma ahan inay masaajidyada abbaarto" ayuu yiri Bilow Keerow.


"Beegsiga masaajiddadu wuxuu sii xoojinayaa shekigii horay ay muslimiinta Kenya uga qabeen in dowladdu ay si gaar ah u beegsanayso caqiidadooda, hadii uu jiro wadaad looga shekiyey inuu Al-shabab dad u qorayo isaga hala aado ma ahan in goobaha cibaadada la beegsado" ayuu mar kale yiri Xildhibaanka.

Xildhibaanku wuxuu ugu dambeyntii sheegay in hadalkii  Ndegwa Muhoro uu ahaa mid ixtiraam darro ah maadaama uu si guud muslimiinta Kenya oo dhan uga dhigay inay xiriir la leyihiin Ururka Al-shabab ee fadhigiisu uu Soomaaliya yahay.

Kenya ayaa culeys dhinaca nabadgelyo xumida ah waxaa ka heysta Al-Shabaab oo weeraro dhinac walba leh ka fulisay gudaha Kenya, weeraradaasi oo Al-Shabaab ay sheegtay inay jawaab u yihiin tallaabada ay Kenya gudaha Somalia kusoo gelisay ciidameeda iyo xasuuqa ay ka wadaan gobolada Jubbooyinka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada