Dowlada Soomaaliya oo joojisay Qandaraasyo ay la gashay Shirkado Shisheeye (Ogoow Sababta)

Dowlada Soomaaliya oo joojisay Qandaraasyo ay la gashay Shirkado Shisheeye (Ogoow Sababta)

daajis.com:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa joojineysa dhamaan qandaraasyadii ay la gashay shirkadaha shisheeye kadib markii la heley wax isdabomarin balaaran, waxaana shirkadahani ka mid ah Shulman Roggers oo iyadu ah abukaatayaal loo igmaday in ay soo celiso hanti Soomaaliya oga xayirneyd meelo kala duwan oo caalamka ka mid ah.

Go’aankani ayaa waxaa la gaaray kadib markii uu sidaasi ku taliyey guddi isku dhaf ah oo arrimaha maaliyadda qaabilsan oo ay xubno ka yihiin beesha caalamka iyo dowladda federaalka saraakiil ka mid ah.

Waxyaabaha gudigani uu ogaaday waxaa ka mid ah in dhamaan qandaraasyada aysan ahayn kuwa hufnaan iyo caddaalad lagu saxiixay, jireena waxyaabo badan oo ls’is dabo mariyey.

Tusaale ahaa shirkadda Shulman Roggers ayaa dowladda Soomaaliya ka qaadatay lacag dhan $2.7 malyuun oo doolar, taasi oo ay ka jaratay lacag dhan $ malyuun oo doolar oo ay kasoo celisey meelo ay ku xayirneyd. Markaasi waxay ka dhigantahay in boqolkiisa sodon ay lacagtii qaadatay shirkadda Shulman Roggers.

Ninka madaxda ka ah shirkadani oo lagu magacaabo Jeremy Shulman ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay la kulmey madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka Maaliyadda Xusseen Cabdi Xalane, iyada oo laga wada hadlay sidii loo joojin lahaa qandaraaskii horey loola saxiixday shirkadda ama wax looga badali lahaa shuruudihii lagu saxiixay.

Sidoo kale shirkadda Soma Oil and Gas oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska, ayna leeyihiin nin horey wasiir oga soo noqdey Ingiriiska iyo mid taajir ah oo Ruushka u dhashay ayaa iyaduna wax laga badali rabaa waxyaabihii lagu heshiiyey.

Shirkadani ayaa lagula heshiiyey in ay samayso xog uruurin ku saabsan shidaalka ku jira badda, kadibna hadhoow ay shirkadani xaq u leedahay ay iyadu qodan karto ceelasha shidaalka kuwooda ugu nacfiga badan.
Shirkadda Favori ee garoonka Aadan Cadde dhiseysa ayaa ka mid ah kuwa dib u eegis lagu samaynayo qandaraaska lala saxiixdey.

Wadar ahaan waa 8 heshiisyada la joojinayo ama dib u eegis lagu samaynayo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada