Dowladda Kenya oo shaacisay inuu si dirqi ah kaga baxsaday horjoogihi weerarki Westgate Mall

Dowladda Kenya oo shaacisay inuu si dirqi ah kaga baxsaday horjoogihi weerarki Westgate Mall

daajis.com:-Dowladda dalka Kenya ayaa shaacisay inuu si dirsqi ah kaga baxsaday horjaagihii hogaaminayay weerarkii Westgate Mall ee magaalada Nairbi.


Horjoogahaan oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir oo loo yaqaano Cikramah ayaa ku sugnaa guri ku yaalla magaalada Mombasa, iyadoona ciidamada Kenya ay ka war heleen islamarkaana ku weeraray guriga uu ku sugnaa.

Lakin Waxaa lagu warramayaa in Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir uu ka baxsaday guriga oo sidoo kale la sheegay inay ku sugnaayeen saraakiil sar sare oo Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo dowladda Kenya doon dooneysay.

Wargeyska the Standard oo soo xiganaya ilo ka tirsan Booliska Kenya ayaa ku warramaya inay ciidamadu dileen qof rayid ah oo ay ka shakiyeen, waxaana Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir uu ka baxsaday hoyga uu ku sugnaa ee magaalada Mombasa.


Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir ayaa dowladda Kenya ku tuhmeyso inuu ahaa hogaamiyihii weerarkii Wastgate Mall ee sanadki 2013 lagu qaaday.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada