M/weyne Xasan oo xalay kulan la qaatay madaxda warbaahinta madaxa banaan.

M/weyne Xasan oo xalay kulan la qaatay madaxda warbaahinta madaxa banaan.

daajis.com:-Madaxweynaha Dowladda federaalka Somaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu xalay kulan la qaatay Madaxda Warbaahinta Magaalada Muqdisho, iyadoo uu kulankaan yahay mid uu soo qaban qaabiyay Xafiiska Madaxweynaha.


Madaxweynaha Somaliya, ayaa Suxufiyiinta isugu yeeray sidii uu kaga dhaadhicin lahaa in lala shaqeeyo Dowladda Somaliya, iyadoona laga fogaanaayo waxyaabaha lidiga ku ah Sharciga.

Madaxweynuhu wuxuu Suxufiyiinta kula dardaarmi doonaa inay ka fogaadaan wararka aan salka iyo raadka toona lahayn, si meesha looga saaro isku dhac ah Dowladda iyo Warbaahinta madaxa banaan.

Suxufiyiinta ka qaybgaleysa kulanka, ayaa iyaguna loo ogolaan doonaa inay ka hadlaan, si ay Madaxweynuhu ugu muujiyaan waxyaabaha ay tabanayaan, oo ah in culeys uu kaga yimid Nabad Suggida, muddo laba toddobaad laga jooggo.


Kulanka waxa uu imaanayaa xilli Dowladda Somaliya ay xabsiga ku heyso ilaa afar Suxufi, iyadoo aynaan jirin Maxkamad si buuxdo loo horkeenay, si loo ogaado waxa ay Dowladdu ku heysato.

Si kastaba ha-ahaatee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaan weli ka hadlin xariga Idaacadaha Shabelle iyo SKY, oo muddo bil ah hawada ka maqan.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada