Guddoomiyaha G/banaadir oo kusoo guryo noqday Muqdisho, kadib safar uu ugu maqnaa Turkiga

Guddoomiyaha G/banaadir oo kusoo guryo noqday Muqdisho, kadib safar uu ugu maqnaa Turkiga

daajis.com:-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, xasan Maxamed xuseen (Muungaab) ayaa dalka dib ugu soo laabtay maanta kadib safar shaqo oo uu ugu maqnaa dalka Turkiga.


Gudoomiyaha Muungaab oo ay garoonka caalamiga ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyeen masuuliiyinta iyo madaxda maamulka Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah gudoomiyaaysha degmooyinka G/Banaadir.

Muungaab ayaa saxaafada uga warbixiyay safarkiisa, isagoo sheegay inuu la kulmay duqa magaalada Istanbul ayna ka wada hadleen mashruucyada Horumarineed ee dowladda Turkigu ay ka wado Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidoo kalena waxaa uu sheegay inay kala qneaatay isaga iyo dhigiisa Istanbul warbixino ku saabsan arrimaha amniga ee caasimadda Muqisho, siyaasadda iyo balaarinta mashaariicda.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale koormeray xarunta Dowladda Hoose ee Officio Governo halkaasi oo ka scda mashruuca (dib -u dhis dalkaaga) uu hada meel wanaagsan marayo lana filayo waqtiga loogu tagalay mashrucaan inuu ku dhaamado.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa caasimadda Muqdisho ayaa xarigga ka jiray waddo dheer oo isku xiraysa inta u dhexeysa Isbitaal Keyseney iyo isgoyska Mirinaayo ee Degmada Kaaraan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada