Gudoomiye Jawaari oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha Ciidanka XDS ee Baay,Bakool & Gedo+ SAWIRRO

Gudoomiye Jawaari oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha Ciidanka XDS ee Baay,Bakool & Gedo+ SAWIRRO

daajis.com:-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta magaalada Baydhabo kulan kula qaatay saraakiisha Ciidammada Xoogga Dalka ee ka howlgala gobollada Baay,Bakool iyo Gedo.

Kulankan oo ka dhacay xarunta taliska qeybta 60aad ee Xoogga Dalka ayaa ugu horeyn waxaa Gudoomiyaha Baarlamaanka warbixin ku aadan xaaladaha ay kusoo shaqeeyeen ciidammada Xoogga Dalka ee gobolladan ka howlgalaya iyo guullaha ay ka gaareen howlgallada dalka looga sifeynayo Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab Taliyaha qeybta 60aad ee Xoogga Dalka General Ibraahin Yaroow oo isagu tilmaamay in Ciidammadan ay mar kasta heegan u yihiin adkeynta iyo difaaca amniga gobolladan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo isna dhankiisa ka hadlay kulanka ayaa ugu horeyn ku ammaanay Ciidammada Xoogga Dalka ee seddexdan gobol ka howlgalaya adkeysa iyo sida ay ugu taagan yihiin gudashada waajibaadkooda Qaran waxaana uu ku dhiirageliyey iney sii wadaan howlgallada dalka looga sifeynayo maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ee nabadda u diidan shacbiga Soomaaliyeed.


DHAMAAD:

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada