Daawo:- Booliska Adduunka Interpol iyo Booliska DF oo dhismo dabaq ka dhisanaya garoonka Muqdisho

Daawo:- Booliska Adduunka Interpol iyo Booliska DF oo dhismo dabaq ka dhisanaya garoonka Muqdisho

daajis.com:-Garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka mid ah waxaa la dhagax dhigay dhismo Labo Dabaq ka koobnaan doono, oo noqon doona Taliska ciidamada Booliska ee ka howlgelaya garoonka diyaaraddaha Muqdisho, Sidoo kale waxaa xafiisyo ku lahaan doona Hay'adda Booliska Adduunka ee Interpol.


Dhaqaalaha ku baxaya dhismahan Labada dabaq ee Booliska ku howlgeli doono ayaa waxaa bixineyso Hay'adda Booliska Adduunka ee  Interpol oo xaruntaasi sidoo kale xafiisyo laga siin doonaa marka uu dhamaado dhismaheeda oo mudo Sedax bilood gudahood lagu soo gabagabeyn doono.

Munaasabadii dhagax dhiga xaruntan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Taliyaha booliska Soomaaliya Mohamed Sheikh Hassan Ismail iyo Taliyaha Booliska AMISOM Anand Pilay oo sheegay in dhaqaalaha lagu dhisayo xaruntaani loo soo marsiiyay AMISOM.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada