Hub Iyo Rag Ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta Lagu soo Dhigay.

Hub Iyo Rag Ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta Lagu soo Dhigay.

daajis.com:- deyniilekaddib howlgallo ay ciidamada dowladda Sommaliya ka sameeyeen Xaafado Ka Tirsan Degmada Deyniile Ayaa Ciidamada Waxaa Ay Kusoo Qab-qabteen Rag Lagu Sheegay In ayy Ka Tirsan Yihiin Dagaalyahada Alshabaab Iyo Hub aad U Fara Badan Sida uu Warbaahinta U Sheegay Taliyaha Saldhiga Booliiska Degmadaasi Maxamuud Axmed Maxamed oo Warfidiyeenka Kula Hadlay Gudaha Saldhigaasi.

Taliyaha Ayaa Tilmaamay In Wada shaqeyn Fiican Oo Ka Dhex Jirta Ciidamada Amaanka Iyo Shacabka Degmada Deyniile ay u suurto galisay in walxaha Qarxa iyo Al-shabaab Ay gacanta Kusoo Dhigaan,Maxamuud Axmed Maxamed ayaa intaa ku daray Amaan Aad u Balaaran oo uu usoo jeediyay Dhamaaan Dadka Deegaankaasi oo Xogtaasi Soo Gaarsiisay waxaana uu ugu Baaqay in Wada Shaqeynta Halkeeda Laga Sii Wado.

Dhinaca Kale Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasadda ee degmada Deyniile Axmed Nuur Axmed oo isna warbaahinta la hadlay ayaa ciidamada ku booriyay inay sii labo jibaaraan howgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, si looga hortago dadka caadeestay in falal Amni Darro Ay Ka geestaan Caasima Soomaaliya.


Howlgalkan Ay Maanta Ciidamada Dowlada Soomaaliya Ay Ka Sameeyeen Muqdisho Ayaa Waxaa uu Qeyb Ka yahay Howlgalka Dowlada Fedraalka Ay Iclaamisay kaas Oo Loogu Magacdaray Badweynta India.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada