VIDEO: Nin si aad iyo aad ah u shabaha Barack Obama oo ka yaabsaday ilaalada madaxweynaha Maraykanka kadib.

VIDEO: Nin si aad iyo aad ah u shabaha Barack Obama oo ka yaabsaday ilaalada madaxweynaha Maraykanka kadib.

daajis.com:- Nin si aad iyo aad ah uu muuqaalkiisa ugu ek yahay ama uu u shabaha madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inuu ka yaabsaday dadka aduunka ka dib markii ay u maleeyeen inuu yahay madaxweyne Obama iyadoona uu ninkaas xataa mararka qaarkood ay ku qaldamaan ilaalada madaxweyne Barack Obama.

Ninkaan sida aadka ah uu muuqaalkiisa uu u shabaha madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama oo lagu magacaabo Louis Ortiz ayaa ka hor inta aan madaxweyne Obama loo dooran xilka madaxweynanmada dalka Mareykanka waxaa uu ahaa nin wareersan oo ayna heysatey shaqo la’aan iyo jaah wareer lacageed asagoona ku noolaa nolol iska caadi ah,

Laakiin ninkaan ayaa waxay noloshiisa ay gebi ahaana ay is badashay markii madaxweyne Obama la doortey iyadoona qaar ka mid ah asxaabtiisa oo arkay sida uu ugu eg yahay madaxweyne Obama ay ku dhiiri galiyeen inuu iska dhigo inuu yahay Obama, Ninkaan ayaa asaga oo ka faa’iideysanaayo arintaas ayaa waxaa la sheegay in lagu casuumo qaar badan oo ka mid ah telefishinada aduunka iyo xafladaha gaarka iyadoona ay shirkada waa weyn oo soo saara aflaanta ay la galeen heshiisyo uu ku jilaayo filimo.


Ninkaan oo markii horeba uu ilaahay u ekeysiiyey muuqaalkiisa madaxweyne Obama ayaa hadana waxaa uu sameeyey dadaalo uu isugu sii ekeysiinaaya madaxweyne Obama oo ayna ugu horeyso xaga labiska asagoo sidoo kalena bartey hab dhaqanka iyo qaabka hadalka iyo socodka madaxweyne Obama taas oo keentay in ay adkaato in lakala saaro ninkaas iyo madaxweynaha dalka Marteykanka.

Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas u muuqaalka eg madaxweynaha dalkaas Mareykanka Barack Obama uu sheegay inuu ka faa’iideystay fursadaas uu madaxweyne Obama ku noqday madaxweynaha dalkaas Mareykanka ayaa ninkaas waxaa uu sheegay inuu xataa marark qaarkood uu qal qal galiyo ilaalada Madaxweyne Obama marka ay arkaan oo ayna ku qaldaan inuu yahay madaxwene Obamaha dhabta ah,

Ninkaan oo asal ahaan ka soo jeedo dalka Puerto Rico kuna noolaa Magaalada New York gaar ahaan xaafada Bronx ayaa waxaa uu sameeyey film ama dukumendaariyo loogu magac daray Bronx Obama kaas oo ka sheekeynaaya qaabka uu ninkaas ugu eg yahay madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama,

Ninkaan ayaa waxaa uu sheegay in waxa ugu dhib badan ee ka haysta inuu matelo madaxweyne Obama ay tahay qaabka uu u hadlo, Madaxwene Obama oo ninkaas ka hadlay ayaa waxaa uu yiri run ahaantii ninkaasi waa mid aad iyo aad iigu eg aniga.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada