Kooxda Kubada Koleyga ee Gabdhaha Dalka Qatar oo guud ahaan isaga baxay Ciyaaraha Qaarada Aasiya kadib markii loo diiday Xirashada Xijaab

Kooxda Kubada Koleyga ee Gabdhaha Dalka Qatar oo guud ahaan isaga baxay Ciyaaraha Qaarada Aasiya kadib markii loo diiday Xirashada Xijaab

daajis.com:- Gabi ahaanba waxaa isaga baxay Ciyaaraha Kubada Koleyga Gabdhaha ee Qaarada Aasiya Xulka Gabdhaha Kubada Koleyga ee Dalka Qatar.

Kooxda Qatar ayaa codsatay inay ku ciyaaraan xijaabka, balse arrintan waxaa diiday xiriirka kubada Kolayga caalamiga ah ee FIBA oo sheegay in dastuurkooda uu ku qoran yahay in ciyaartoyada aysan madaxa wax ku xiran karin xiliga ciyaaraha sida uu qeexayo qodobkooda.


Dhanka kale war qoraal ah oo kasoo baxay Dowladda Qatar ayaa lagu sheegay in guud ahaan Kooxdii Matalaysay dalka Qatar ee ay isaga baxeen Tartamada Kubada Koleyga Gabdhaha Qaarada Aasiya waxayna ku eedeeyeen xiriirka Caalamiga ee Ciyaaraha in ay cunsuriyeeyeen Gabdhaha matalayay dalka Qatar maadaama loo diiday inay ku ciyaaraan Xijaabka.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada