daajis.com:-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ka feejigan tahay weeraro Argagixiso oo ururka Al-Shabaab ay ka geystaan gudaha dalka Kenya, weeraradaasi oo ay sheegeen in ay ugu aargudeyso hoggaamiyahoodii, Axmed Cabdi Godane.
Af-hayeenka ciidamada millatariga Kenya, Bogita Ongeri ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Xinhua in la kordhiyey tirada ciidamada ilaaliya xuduudda ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya , gaar ahaan gobollada Xeebta iyo Waqooyi-bari.
Wuxuu tilmaamay in dalka la galiyay feejignaan ku aaddan ka hortagidda dhibaatooyinka argagixasada.
Diyaaraddaha aan duuliyaha wadin ee Droneska ayaa todobaadkii hore duqeyn ku dileen hoggaamiyihi maleeshiyada Al-Shabaab, Axmed Cabdi Gadane.
Dilkii Godane kadib, Al-Shabaab waxay ku hanjabtay in ay aargoosan doonaan, iyadoo labo weerar oo 20 qof ku dhinteen ay ka fuliyeen wadada u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye .
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:51 and have
, Published at