CAbsi;- Uganda oo ka digtay weeraro uu Qorsheenayo Hogaamiyaha cusub ee Al-Shabaab

CAbsi;- Uganda oo ka digtay weeraro uu Qorsheenayo Hogaamiyaha cusub ee Al-Shabaab

daajis.com:-Taliyaha ciidamada Uganda, Jen. Katuma Wamala ayaa ka digay weerarro uu hoggaamiyaha cusub ee Xarakada Al-shabaab Uganda kusoo qaado, isagoo sheegay inay kooxdu qorsheynayso weerarro argagxiso oo ay qaaddo.


Dingiintan ayaa kusoo beegamaysa toddobaad kaddib markii hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab, Axmed Godane lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay gobolka Shabeellada Hoose.

Hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab, Axmed Cumar Abuu-Cubeyda ayaa la wareegay xilka hoggaaminta Al-shabaab lixdii bishan, iyadoo kooxdu ay ku dhawaaqday markaas inay weerarro ay ugu aargudayso hoggaamiyahooda geysan doonto dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Uganda, Jen. Katumba Wamala ayaa xusay inay heleen warar sheegaya in hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab uu qorsheynayo inuu weerar ka geysto dalkooda.

“Al-shabaab waxay qosheynaysaa inay weerarro argagaxiso ka geysato Muqdisho iyo Uganda, maxaa yeelay kooxda waxaa looga itaal-roonaaday weerarradii ka socday gudaha Soomaaliya dhul badanna waa laga qabsaday, kuwaasoo ay ka mid yihiin, Kutun-waareey, Beledul Amiin iyo kuwo kale oo caasimadda Soomaaliya ka durugsan qiyaastii 120-km,” ayuu Katumba yiri.

Sidoo kale, Jen. Katumba ayaa sheegay in deegaannadaas intooda badan ay gacan ka geysteen qabashadooda ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM. Isagoo xusay in qorshahoodu yahay inay qabsadaan magaalada Baraawe oo ah xarunta ugu weyn ee Al-shabaab.

“AMISOM horumarro badan ayay ka sameysay howlgallada ka socda Somalia taasna waa mid ku qasbi doonta kooxda inay weerarro argagaxiso geysato. Waxaana taas tusaale u ah weerarkii ay maalmo ka hor geysatay, kaasoo ay ku dishay dad badan oo shacab ah kuwo kalena ay ku dhaawacday,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Jen. Katuma oo sii hadlaya ayaa yiri. “Kooxdu waxay waday hoggaamiye aad u weyn iyo nin qorshayaasha dagaalka hormuud u ahaa, marka waa inaan muujinnaa digtooni dheeraad ah, waayo waxaa laga yabaa inay weerarro argagaxiso soo qaadaan.”

Ugu dambeyn, taliyaha ciidamada Uganda wuxuu sheegay in ciidamadooda qaybta ka ah howlgalka AMISOM ay niyadoodu wanaagsan tahay, inkastoo aysan dhowr bilood helin mushaaraadkoodii.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada