Daawo-Video:- Eedeysanayaal maanta ay Maxkamadda sare ee ciidamada xukunno ku riday

Daawo-Video:- Eedeysanayaal maanta ay Maxkamadda sare ee ciidamada xukunno ku riday

daajis.com:-  Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday eedeysanayaal ka tirsanaa ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya oo lagu eedeyay fal dambiyeedyo ay ka mid tahay dil, dhac iyo kuwa kale.


Maxkamadda oo u fadhiisatay dhageysiga dacwad ciqaabeed loo haystay saddex eedeysane oo horey uga mid ahaa ciidamada qalabka sida ayaa waxaa goobta ku sugnaa qaar ka mid ah ehelahada eedeysanayaasha iyo qareenadii u difaacayay.

Afhayeenka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Kornayl Cabdullaahi Maxamed Muuse ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday eedeysanayaasha maanta maxkamadda sare la horgeeyay, maadaama ay ku qanci waayeen xukun mar hore ay ku riday Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada