Dowlada Australia oo ugu deeqday dowlada Soomaaliya lacag gaareysa shan malyan oo dollar

Dowlada Australia oo ugu deeqday dowlada Soomaaliya lacag gaareysa shan malyan oo dollar

daajis.com:-Dowlada Australia ayaa sheegtay in ay deeq lacag oo gaareysa shan malyan oo dollar dowlada Soomaaliya. Deeqdan ayaa dowlada Australia waxa ay ugu talogashay sidii loo saacidi lahaayeen dadka Soomaaliyeed oo u baahan kaalmada.

Lacagtan deeqdan ayaa waxa ay ka dhigeysaa lacag guud ahaan lacagta ay dowlada Australia ugu deeqday sanadkan 15 million oo dollar. Warbixin ka soo baxday dowlada Australia ayaa lagu sheegay in gargaarkan uu yahay mid ka qeybqaadanaya sidii saddex malyan oo ruux oo u baahan gargaar deg-deg ah.
In kabadan labo boqol oo kun oo carruur da’adoodu ka yar tahay shan sano ayaa la sheegay in nafaqo darro ku hayso dalka Soomaaliya waxaana ku nool gudaha dalka dad barakacayaal ah oo tiradoodu kor u dhaaftay hal malyan oo ruux halka malyan kalana ay qaxootinimo ugu nool yihiin wadamo deris la ah dalka Soomaaliya.

Lacagta deeqda ah ayaa waxaa ay tahay mid aan si toos ah dowlada Australia gacanta u gelinayn dowlada Soomaaliya balse waxaa ay sii marsiin doontaa hay’adaha qaramada Midoobay.
Warbixintan ayaa dowlada Australia waxa ay ku sheegtay in taageerto howlgalada ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ee jooga dalka Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada