Maamulka Jubba oo ka soo hor jeenstay shirka ka furmi raba Gobolka Gedo

Maamulka Jubba oo ka soo hor jeenstay shirka ka furmi raba Gobolka Gedo

daajis.com:-Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, ayaa waxaa ka socoto qaban qaabada ku aadan shirweyne halkaasi ka dhici rabo dhawaan ergo kala duwana ay halkaasi gaartay 


Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, ayaa waxaa ka socoto qaban qaabada ku aadan shirweyne halkaasi ka dhici rabo dhawaan ergo kala duwana ay halkaasi gaartay ayaa Maamulka KMG ee Jubba wuxuu ka digay shirkaasi lagu qabanaayo Magaalada Garbahaareey.


Madaxweyne ku xigeenka Maamulka KMG ee Jubba C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo warbaahinta la hadlay, ayaa wuxuu sheegay in shirka la qorsheynaayo in lagu qabto Magaalada Garbahaareey uu yahay mid sharcidaro ah.

Waxa uu sheegay in ujeedada ka dambeysa qabashada shirkaasi inay tahay mid lagu carqaladeynaayo Shirweynaha ka socda Magaalada Kismaayo, maadaama Kismaayo ay joogaan Ergo matalaysa Gedo oo shirka Dib uheshiisiinta Kismaayo ka qeybgalaysa.

C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) hogaamiye ku xigeenka Maamulka Jubba ayaa ku waramaayo in shirkaasi ay wataan dad dano gaar ah leh oo deegaan ahaan kasoo jeeda Gobolka Gedo.

Shirka ka socda Magaalada Kismaayo, ayaa wuxuu ku tilmaamay mid ay taageersan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha caalamka, sidaasi awgeedna la doonaayo in dib uheshiisiin rasmi ah la kala dhex-dhigo dadka Jubbooyinka iyo Gedo daga.


Wuxuu xusay inaan Gobolada Jubbooyinka looga baahnayn colaad hor leh, ee loo baahan yahay in loo istaago sidii loo samatabixin lahaa dadka ay abaartu saameysay.

Ergo kala duwan ayaa shalay gaartay Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, si ay uga qaybgalaan shirka la qorsheynaayo maalmaha soo socda in Garbahaareey lagu qabto.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada