Madaxweynaha: - Marka kooxaha argagixisada jab la gaarsiiyo waxay dhibaateeyaan shacabka

Madaxweynaha: - Marka kooxaha argagixisada jab la gaarsiiyo waxay dhibaateeyaan shacabka

daajis.com:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyey weeraradii ismiidaaminta ee (Isniintii- 08-9-2014) ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi oo u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, xili ay wadada marayeen kolonyo ciidamada AMISOM ah oo galbineysay Saraakiil cadaan ah iyo ciidamo ka tirsan Dowladda oo usoo gurmaday.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in kooxaha xagjirka ah ay caadeysteen dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ay qaraxyadaasi oo labo ahaa ay ku dhinteen in ka badan 16 qof.

"Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada intii ku geeriyootay falka argagixisada ay geysteen, Waxaana Eebbe uga baryayaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna waxaan Eebbe uga baryayaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo"ayuu yir Madaxweynaha.

“Kooxahan Arga-gixisada ah ayaa caadeystay inay falal argagaxa ah u geystaan dadka shacabka ah. Waxaan leenahay nabad diidku waqtigiina ayaa dhammaaday, waxaana la kulmi doontaa Ilaahey idinkiisa ciqaabta xanuunka shacabkeennu u geysateen ” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladdaay ka go’an tahay inay la dagaallanto kooxaha Shabaab oo uu tilmaamay in waqtigooda sii dhammaanayo iyadoo uu socdo howlgalo ka dhan ah Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada labo qarax oo ka dhacay agagaarka wadada Xaawo Cabdi ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana dadka qaraxyada ismiidaamin ah khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dad shacab ah oo saarnaa labo gaari BL ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada