daajis.com:-Warka ka imaanaya Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Gaari uu lahaa Ugaas Axmed Cabdi Caalin oo Caan ka ahaa Gobolkaasi lagu dilay Qarax loogu xiray Gaarigiisa.
Warar is Khilaafsan ayaa kasoo baxaayo Qaraxa uu ku geeriyooday Ugaaska, wararka qaar waxa ay sheegayaan in Qaraxa gaariga loogu xiray, halka warar kaasi Khilaafsan ay sheegayaan in loogu aasay wado uu maraayay.
Xiliga uu Qaraxa dhacay, ayaa waxaa la sheegayaa in Ugaas Axmed Cabdi Caalin uu ka baxay Degmada Buulabarde waxa uuna kusii jeeday Degmada Jalalaqsi ee isla Gobolka Hiiraan.
Dhanka kale, Ugaas Axmed Cabdi Caalin ayaa waxaa la geeriyooday Darawalkiisii sida ay wararku sheegayaan , iyadoona ay weli Arrintaasi ka hadlin Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Amaanka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:21 and have
, Published at