daajis.com:-Weerar labaad oo is miidaamin ah ayaa galabta lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaasoo la sheegay inay ku sii jeedeen goobtii qaraxa lagula eegtay Ciidamada AMISOM ee nawaaxiga Isbitaalka Xaawa Cabdi.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ahaa kuwa raaxada, waxaana lala eegtay gaadiidka ay la socdeen ciidamada nabadsugida.
Ma Cada ilaa iyo hada qasaaraha soo gaaray, hase ahaatee waxaa la soo sheegayaa inuu jiro dhaawacyo soo gaaray ciidamada, waxaana dadka dhaawacmay ku jira sarkaal.
Weeraradan is qarxinta ee maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa noqonaya kuwii u horeeyay ee Al-Shabaab ay qaadaan, kadib markii la dilay Hogaamiyihii Al-Shabaab Axmed Godane, iyadoo kooxda ku hanjabtay weeraro aar-gudasho ah.
Qaraxii hore ee lala eegtay ciidanka AMISOM ayaa ka dhashay qasaare aad u ballaaran, waxaana ku dhintay in ka badan 10-ruux oo rayid ahaa, kuwaasoo la socday gaari Hoomey ah.
La soco wixii ku soo kordha
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:16 and have
, Published at