Daawo Sawirada: Khasaaraha qaraxyadii ismiidaaminta +WARBIXIN-

Daawo Sawirada: Khasaaraha qaraxyadii ismiidaaminta +WARBIXIN-

daajis.com:-Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Labo qarax oo ahaa ismiidaamin loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lala eegtay kolanyo ciidamada AMISOM ka tirsan, halka midka kale lala eegtay ciidamada Dowladda oo u gurmanayay goobta uu ka dhacay qaraxa koowaad.

Qaraxyadan ayaa la sheegay iAl-Shabaab ayaa sheegatay in weerarka koowaad ay ku dishay sarkaal Mareykan oo Jeneraal ahaa, saddex sarkaal oo kale iyo sarkaal Koofur Afrikaan ah.

Qaraxa labaad oo isna ahaa ismiidaamin ayaa lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda, waxaana qaraxaas la sheegay inuu ku dhaawacmay Taliye kuxigeenka Nabadusgida Gobolka Banaadir C/fataax Ibraahim Shaaweeye, inkastoo dhaawiciisa la sheegay inuu yahay mid fudud.n ay ku dhaawacmeen Saraakiil ajnabi ah oo ciidamada AMISOM ka taageerayay dhinaca saadka iyo milateriga, sidoo kale waxaa qaraxa labaad uu dhaawac  fudud kasoo gaaray Taliye Kuxigeenka Nabadsugida gobolka Banaadir C/fitaax Ibraahim Shaaweey.

Inta la og yahay 14 qof oo u badan dad shacab ah saarnaa gaari rakaab ayaa ku dhimatay qaraxa koowaad oo lala eegtay kolonyo ciidamada AMISOM wateen, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaray Labo  gaari oo nooca Soomaalida u taqaano Hoomey  ee ka shaqeya Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose, waxaana midkood saarnaa dad kor u dhaafayay 20 qof, halka midka kale uu waday khudaar.

Dadka ku dhaawacmay qaraxyadaasi ayaa kor u dhaafaya sodon qof, kuwaasi oo dhaawacyadooda la dhigay isbitaalada Muqdisho, waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg dega iyo kuwa dab damiska.

Dadka ku dhintay qaraxan oo la kala garan waayay rag iyo dumar, jirkoodana uu aad u gubtay markii qaraxa uu saameeyay ayaa gaadiidkii ay saarnaayeen uu noqday mid bas beelay.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Siidii ayaa sheegay inuu qaraxaas ka bad baaday, waxaana uu xusay in qofka waday gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku dhiftay gaari ay leeyihiin AMISOM oo waxyeelo soo gaartay.


Mr Siidii ayaa sheegay in labo ka mid ah ciidamada AMISOM ee Uganda iyo labo kale oo qubaro ajnabi ka tirsan shirkada dhanka saadka ka taageerta AMISOM ku dhaawacmeen.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada