daajis.com:-Al Shabaab ayaa waxa ay ku goodiyeen inay siiwadi doonaan dagaalada ka dhanka ah ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amiso, kadib dilkii loo geystay Hogaamiyihii Shabaab.
Afhayeenka dhanka howlgalada ee Al Shabaab ayaa sheegay in dhamaan ciidamada Shabaab ay adeecsan yihiin hogaanka cusub ee Shabaab ayna fulin doonaan awaamiirtiisa.
"Ciidankaas waa seef galka ka baxsan oo gacanta ugu jirta amiirkeena cusub sheekh Abuu Cubeyda Axmed Cumar,haddaan nahay ciidanka mujaahidiinta samcan wadaacan waxaana kuu oofin doonaa balantii aan kula galnay” Sheekh Abuu Muscab ayaa sidaasi yiri.
Amiirka cusub ee Al Shabaab ayaan weli saxaafada si rasmi ah ula hadlin.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:00 and have
, Published at