Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay agagaarka Ceelasha Biyaha, 12 qof ah oo ku dhimatay

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay agagaarka Ceelasha Biyaha, 12 qof ah oo ku dhimatay

daajis.com:-Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay qarax Ismiidaamin ah oo Salaadii Casir kadib ka dhacay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana qaraxaani lala beegsaday kolonyo ciidamada AMISOM oo galbineysay saraakiil Caddaan ah iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxan oo lala rabay in lala bartilmaameedsado kolonyada ciidamada AMISOM ee galbineysay saraakiisha caddaanka ayaa waxaa lala helay Labo gaari nooca BL dadweynaha, kaasoo noqday mid basbeelay oo dadkii saarnaa la kala garan waayay hilbahooda oo noqday kuwo gubtay.

C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, oo wareysi siiyay laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa waxa uu sheegay in gaari NOAH ah lagu dhuftay kolonyadii uu la socday.

Siidii wuxuu xaqiijiyay inay wada socdeen Saraakiil Cadaan ah oo uu xusay in dhalasho ahaan ay ka soo jeedaan Qaaradda Yurub, isagoo aan kala cadayn in Saraakiil Mareykanka u dhashay ay ku jirayn iyo in kale.


Wuxuu sheegay Siidii in laba askari oo Uganda u dhalatay ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen weerarkaasi, wuxuuna ka gaabsaday in si fog uu kaga hadlo khasaaraha ka soo gaaray Saraakiisha Cadaanka ah.

kolonyada AMISOM, ayaa waxay ka yimaadeen dhinaca Magaalada Muqdisho, iyagoona ku sii jeeday Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana la tilmaamay in gaari nooca raaxada ah uu isku qarxiyay.


Weerarkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay tan iyo markii Al-Shabaab ay soo saartay hanjabaad ay ugu aargudeyso Hoggaamiyahooda Axmed Godane ee lagu dilay weerarkii Mareykanka ka fuliyay gobolka Sh/hoose.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada